Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha Wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Mudane Cumar iyo golihiisa Wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha Wasiirada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Next Post

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo deeq lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha

Next Post
GALMUDUG: Xaalad bani’aadamnimo ayaa ka jirta Mudug iyo Galguduud

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo deeq lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In