Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha Wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Mudane Cumar iyo golihiisa Wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha Wasiirada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Next Post

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo deeq lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha

Next Post
GALMUDUG: Xaalad bani’aadamnimo ayaa ka jirta Mudug iyo Galguduud

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo deeq lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In