Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagaya Mareynkanka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagaya Mareynkanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Aby Ahmed ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo labo maalin ah ku tagi doona Mareykanka 28-ka July 29-,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xukuumadda Ethiopia arbacadii shalay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia Amb: Birtukan Ayano, oo warbaahinta caalamiga iyo mida gudaha la hadlayay ayaa sheegay in Aby Ahmed la filayo inuu la kulmo mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Mareynkanka,Wakiillo ka socda Beesha caalamka iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Ethiopia ee ku nool dalka Mareynkanka.

Safarka uu Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu ku tagayo Mareynkanka ayaa quseeya si loo kobciyo wadahadal iyo isku dheelitir dhexmara dawladda Ethiopia iyo bulshada Itoobiyaanka ah ee Maraykanka ku nool.

Aby Ahmed ayaa sidoo kale la filayaa in uu wadahadal la yeesho saraakiisha Mareykanka ee muhiimka u arka dadaalka lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Ethiopia iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa in uu wadahadal la yeesho saraakiisha Mareykanka oo ku saabsan iskaashigooda laba-geesoodka ah ee la-dagaallanka argagixisanimada.

Xukuumadda Washingtong iyo Ethiopia,waxaa ka dhaxeeya iskaashi adag oo ku saabsan la dagaalanka argagixisada,iyadoo labada dalka ay hadda ka shaqeynayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ah koox argagixiso oo xiriir dhiw la leh Al-Qaa’idda.

Previous Post

Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda “Si loo kordhiyo daqliga dalka, waxaa dib u dhis lagu samaynayaa Dekadaha” Dhageyso

Next Post

Guddoomiye yariisoow oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya-(Sawirro)

Next Post
Guddoomiye yariisoow oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya-(Sawirro)

Guddoomiye yariisoow oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya-(Sawirro)

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In