Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisalwasaare Xigeenka Dalka Oo Mushaharkiisi Bisha Maarso Ku Taageeray Daryeelka Caruurta Agoonta ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisalwasaare Xigeenka Dalka Oo Mushaharkiisi Bisha Maarso Ku Taageeray Daryeelka Caruurta Agoonta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Ra’iisalwasaare xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu xusayay Sanadguuradii 48 aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii xarumihii Daryeelka Agoonta iyo Saboolka Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.
 
R/Wasaare xigeenka dalka, Wasiiro, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidamadda Asluubta iyo Madax kale ayaa ka qayb gashay Munaasibadaasi.

R/w xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasadda taageerida iyo taakulaynta Caruuuta Agoonta ah ee Soomaaliyeed uu Dawladda ku hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Md Mohamed Abdullahi Farmaajo.

”Farxad weyn ayay ii tahay inaynu maanta markale daahfurayno Xarumihii Daryeelka Agoonta iyo Saboolka, waxay tani tusaale u tahay horumarka dhinaca nabadda aynu ka gaadhnay iyo inaynu u fikirayno in caruurteena agoonta ahi helaan daryeel ku filan. Waxaynu ku shaqaynaynaa siyaasadda uu inagu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ah in loo gurmado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan guud ahaan caalamka lana taakuleeyo oo la taageero bulshaweynta Soomaaliyeed ee gudaha ku tabaalaysan.” Ayuu yiri R/W xigeenka Soomaaliya Md Mahdi.

R/w xigeenka ayaa sheegay in Dawladdu ka jawaabayso codsiga Taliyaha Asluubtu ku sheegay in taageero lagu siiyo daryeelka caruurta Agoonta ah ee Soomaaliyeed wuxunna yiri; ”Xukuumaddu waxay aqbashay dhawaaqii Taliyaha Asluubta ee ahaa in la taageero agoonta lagana qayb qaato daryeelkooda, waxaynuna ka wada shaqayn doonnaa in miisaaniyad iyo kharash loo qoondeeyo.”

R/xigeenka Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhawaaqay in Mushaharkiisi bishan Maarso uu shaqsiya ku taageerayo caruurta Agoonta ah ee Soomaaliyeed.
”Shaqsiyan ka R/W xigeen ahaan waxaan bishan Maarso Mushaharkaygii ugu deeqay Caruurta agoonta ah ee Soomaaliyeed, si aynu isugu dhiirigelino daryeelka caruurta Agoonta ah.” ayuu yiri R/W Xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleid.
Previous Post

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha degmada Marka 

Next Post

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In