Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan saacado qaatay kula yeeshay , danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya, taliyaha howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain isla markaana qeyb ka ah howlgalka ATLANTA, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri  MS. Lorenzo.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“ Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.

Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.

Previous Post

Warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta SoomaaliyaMuqdisho – 06 – 08 May 2017

Next Post

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isbootiga oo tababar usoo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed

Next Post
Munaasabad Lagu Taageerayo Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isbootiga oo tababar usoo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In