Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Booqday Bukaanada Ku Jira Ex Isbitaal Digfeer+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Booqday Bukaanada Ku Jira Ex Isbitaal Digfeer+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke booqashada uu ku tagay Isbitaalka Ordugan waxaa ku wehlinayey wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, iyagoo booqashadooda ka bilaabay qeybta ay ku jiraan dhaawacyadii ku soo waxyeelloobay Qaraxii 20-kii bishan ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada ayuu war-bixinno ka dhageysanayey Dhaqaatiiirka adeegga Caafmaadka ee Isbitaalka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Ordugan ee la oran jiran Digfeer, kulankaas ayaana looga hadlay sidii loo boggaadin lahaa howlaha bixinta adeegyada Caafmaadka ee la siiyo shacabka Soomaaliyeed oo isaga kala imaanaya inta badan gobollada dalka Soomaaliya, maadaama Isbitaalkan uu yahay midka ugu ballaaran Soomaaliya oo dhan.

Booqashada iyo kulankaasi kaddib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlayey Wasiirka Warfaafinta Hiddaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxa uu sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loogu adeeggi lahaa Xaaladda guud ahaan dadkii ku soo waxyeelloobay Qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay, isla markaana dadaal loogu bixin lahaa dhaawacyada u baahan in loo Fidiyo gurmad caafmaad oo dibedda ah loo qaado, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhagar-qabayaasha ah ee Shacabka gumaadaya.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.

20-kii Bishan ayeey ku soo dhaawacmeen dadkii uu booqdey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Qarax argagaxiso oo ay geysatay Kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, waxaana ayna Xukuumaddu ku howlan tahay sidii ay si dhow ula socon lahayd xaaladda dadkii wax ku noqday oo qaarkooda la qorsheynayo in loo qaado caafmaad dibedda ah.

1

2

3

4

5

6

7

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo dhismaha Maamul loo dhanyahay

Next Post

Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

Next Post
Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In