Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Booqday Bukaanada Ku Jira Ex Isbitaal Digfeer+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Booqday Bukaanada Ku Jira Ex Isbitaal Digfeer+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke booqashada uu ku tagay Isbitaalka Ordugan waxaa ku wehlinayey wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, iyagoo booqashadooda ka bilaabay qeybta ay ku jiraan dhaawacyadii ku soo waxyeelloobay Qaraxii 20-kii bishan ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada ayuu war-bixinno ka dhageysanayey Dhaqaatiiirka adeegga Caafmaadka ee Isbitaalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Ordugan ee la oran jiran Digfeer, kulankaas ayaana looga hadlay sidii loo boggaadin lahaa howlaha bixinta adeegyada Caafmaadka ee la siiyo shacabka Soomaaliyeed oo isaga kala imaanaya inta badan gobollada dalka Soomaaliya, maadaama Isbitaalkan uu yahay midka ugu ballaaran Soomaaliya oo dhan.

Booqashada iyo kulankaasi kaddib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlayey Wasiirka Warfaafinta Hiddaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxa uu sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loogu adeeggi lahaa Xaaladda guud ahaan dadkii ku soo waxyeelloobay Qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay, isla markaana dadaal loogu bixin lahaa dhaawacyada u baahan in loo Fidiyo gurmad caafmaad oo dibedda ah loo qaado, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhagar-qabayaasha ah ee Shacabka gumaadaya.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.

20-kii Bishan ayeey ku soo dhaawacmeen dadkii uu booqdey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Qarax argagaxiso oo ay geysatay Kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, waxaana ayna Xukuumaddu ku howlan tahay sidii ay si dhow ula socon lahayd xaaladda dadkii wax ku noqday oo qaarkooda la qorsheynayo in loo qaado caafmaad dibedda ah.

1

2

3

4

5

6

7

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo dhismaha Maamul loo dhanyahay

Next Post

Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

Next Post
Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

Wasiirka Haweenka Oo Kulan La Qaadatay Ururada Bulshada

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In