Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Faaqidaada Wararka, Tubta Toosan, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta  hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay hirgelinta tubahaasi.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Mudane Xasan Cali Kheyre oo Salaadda Jimcaha kaddib ka hadlay Masjidka ayaa sheegay in khudbadda Sheekha ay la xiriirtay afar qodob oo ay dowladda ku shaqeyso, isagoo xusay in qodobada ay ka mid ahayd in la helo siyaasad degan.

“Dowladeenu waxay leedahay tub la yiraahdo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ka shaqeyso sidee dadka la isugu keenaa, sidee dastuurka loo dhameystiraa, sidee axsaab siyaasadeed loo aadaa, sidee awood qeybsiga looga shaqeeyaa, sidee dadka Soomaaliyeed mustaqbal boqolka sanno soo socota u yeeshaan ay ku dareemaan dowlad iyagu ay wada leeyihiin”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu hoosta ka xariiqay in khudbadda Sheekha ay ku jirtay in la helo amni dhaqaale, isla markaana ay dowladdu leedahay tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

Halkan ka dhageyso Khudbadda Ra’iisul Wasaare Kheyre

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/Kheyre-khudbad.mp3
Previous Post

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In