Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qeybgalay shirka Hiigsiga cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee uu shir guddoominaye, mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlayey dardargelinta qorsha barnaamijka New Deal ama Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen wadamada deeq-bixiyeyaasha ee barnaamijkaasi taageero iyo guddiga Xukuumadda ugu xilsaaran howshaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Qorsheynta, kuwaas oo ka kooban todoba wasaaradood.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte, ayaa warbaabinta Qaranka la hadlay shirkaasi markii uu dhammaaday kaddib, waxa uu sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa hannaanka qorshaha New Deal-ka ama hiigsiga cusub, waxa uu intaa raaciyey in si qota dheer looga dooday sida lo amba qaadi karo qorshan, iyadoo deeq bixiyeyaasha loo gudbiyey doorka hoggaamineed ee dowladda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasirika Qorsheynta iy Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ceynte, ayaa tilmaamay in shirkan lagu go’aamiyey qabsoomidda madasha lagu saxiixayo mashaariicda New Deal-ka kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho 23-ka bishan, wasaaradda Qorsheyntana ay xiriirin doonto qorshaha guddiga u xilsaaran Hiigsiga cusub ee uu Ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya hoggaaminayo.

Dardargelinta barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee labada sano ee soo socota waa hanaanka Soomaaliya looga hirgelinayo mashaariicyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo tayeenta hey’adaha heer Federaal iyo dowlad gobolleed si loo gaaro doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016-ka, kuwaas oo ay Xukuumaddan dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horumariyo howlahooda.

Previous Post

Madaxweynaha Puntaland oo maanta gaaray Kismaayo”SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Next Post
Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In