Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda iyo Akadeemiyada Cilmiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda iyo Akadeemiyada Cilmiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  MudaneXasan Cali kheyre ayaa  ugu horayn  kormeer ku tagey   Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare xiligaasi oo ay ka socotay  shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxanaa uu warbxino ka dhageystay   mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Cabdirahamaan Daahir Cismaan  Wasirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare aya Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in  Wasaaraddu ay diyaarinayso qabashadda imtixaanka midaysan ee sanadkan oo la qorsheeyey in ay galan 23 kun oo ardey ah, siyaasadda waxbarashada  qorshaha horumarinta  waxbarashada  ee shanta sane ee soo socota iyo hagaajinta Maamulka  Guud ee Wasaaradda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  tilmaamay  in  horumarinta Waxbarashada dalka ay  tahay ahmiyadda ugu wayn e lagu gaari karo  in dalkeenu  uu gaaro halka uu hiigsanayo oo ah  horumar  .

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka  ayaa sidoo kale kormeeray   Wasaaradaha  Beeraha ganacsiga  iyo Xanaanada Xoolaha  oo degan hal xarun, waxa uuna dhamaan maamulada Wasaarada uu ka djhageystay hanaanka ay u shaqeyaan iyo qorshooyinka Wasaraadaha, isagoo  dhiiri  geliyey shaqaalaha Wasaaradaha uu ugu tegay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa  cadeeyey in dowladdu ay bixineyso  xaquuqda shaqaalaha  balse aysan aqbali doonin in  shaqalahu  si wanaasan u gudan wajibaadkoodu , waxa uuna  ku amray Wasaaradda beeraha in 12 shaqale ah oo an  imaan shaqada bilaa cududaar la’an shaqada laga ruqseeyo, booskooduna looga faa’iidaysan doono muwaadiniin kale oo diyaar u ah  inay si wanaagsan dowladda ugu adeego.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  isla maanta kormeer ku tagey xarunta Cilmiga,  Fanka iyo Suuganta, isagoo xusay in xaruntaasi  ay door weyn ku leedahay  tayeynta Waxbarashada iyo horumarinta  Dhaqanka.

Ka miro dhalinta qorsha  howleed wanaagsan waxa saldhig u ah  korjoogteyn iyo isla xisaabtan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka oo aragtidaa ka duulaya ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kormeer howleed ku tegaa xarumaha hay’adaha dowladda, si looga warqabo howlwadeenada xarumaha uu kormeerayo sida ay bulshada ugu adeegayaan.

Nasra Bashiir Cali

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta, oo xaqiijiyey in Xeerka Saxaafadda Soomaaliya Dib u eegis lagu sameynayo.

Next Post

Madaxwaynaha Puntland oo daahfuray dhismaha Wada eyl-dan gorayo(SAWIRRO)

Next Post
Madaxwaynaha Puntland oo daahfuray dhismaha Wada eyl-dan gorayo(SAWIRRO)

Madaxwaynaha Puntland oo daahfuray dhismaha Wada eyl-dan gorayo(SAWIRRO)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In