Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Dowladda QM Aqoonsan Tahay ee Libya oo Iscasilayo

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Dowladda QM Aqoonsan Tahay ee  Libya oo Iscasilayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya Fayez al-Sarraj, ayaa sheegay in xilka ka degi doona dhammaadka bisha soo socota ee October isagoo xilka ku wareejin doona maamul cusub, waase haddi ay miro dhalaan wadahadalada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo la doonayo in Libya loogu sameeyo dowlad wadaag ah.

Khudbad kooban oo uu telefishinka dowladda ka baahiyay ayuu arbacadii ku sheegay ra’iisul wasaare al-Sarraj in meel wanaagsan ay marayaan wadahadalada QM dhex dhexaadinayso ee u dhexeeyay dhinacyada isku haya dalka Libya, waxaa uu sheegay in wajigii loogu diyaar garoobayay dhismaha dowlad midnimo qaran hadda lagu jiro.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Al-Sarraj ayaa hogaaminayay dowladda heshiis qaran ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhisa caasimada Tripoli, waxayna dagaal kala dhexeeya kooxda uu hogaamiyo janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar oo ku xoogan bariga dalka.

Maleeshiyaadka Xaftar waxaa taageera dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia kuwaas oo duulaan ku soo qaaday caasimadda Tripoli bishii Abril ee sanadkii 2019, si ay ugala wareegaan dowladda al- Sarraj Tripoli , laakiin gulufkaas waxaa fashiliyay dowladda Libya oo Turkiga taageero.

Cadaadis caalami ah ka dib wufuudadda labada dhinac waxaa lagu qasbay in ay kulmaan horaantii bishan, waxayna soo saareen heshiis hor u dhaca ah oo tibaaxaya in muddo 18 bilood gudahood la qabto doorasho isla markaana magaalada Sirte noqoto meel ciidan ka caagan.

Sirte oo ah magaalo xeebeed waxaa maamula Xaftar, waana halka laga dhoofiyo shidaalka Libya.

Maleeshiyaadka Xaftar ayaa joojiyay dhoofinta shidaalka dowladda Libya bishii Janaayo, taas oo aheyd isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda, waxayna keentay arrintaas oo nolashada dadweynaha ciriiri gasho.

Si kastaba, wada xaajoodka u dhexeeyay dhinacyada Libya ayaa dhowaan mar kale ka bilaaban doona magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Banaan baxyo ayaa ka dhacay magaalada Tripoli, ka dib markii shaqada laga joojiyay wasiirka awooda badan ee arrimaha gudaha Fatxi Bashagha inkasoo markii dambe shaqadiisa loo fasaxay.

Iscasilaadda al-Sarraj ayaa abuurtay khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya dowladda Libya, maleeshiyaad taabacsan saraakiil sar sare oo dowladda kamid ah ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Misrata.

Al-Sarraj ayaa xukuumadda heshiis qaran hogaaminayay tan iyo markii la aas aasay 2015, waxayna ka dhalatay heshiiskii QM garwadeynka aheyd ee lagu doonayay in lagu islaaxiyo fowdadii ka dhalatay riditaankii Gaddafi ee 2011.

Inkastoo guul darooyin iyo itaal dari badan jirtay, haddana dowladda al-Sarraj hogaaminayay waxaa ay aheyd mid qun-yar socod ah marka loo barbar dhigo kooxda Xaftar iyo taageeriyaashooda ajnabiga ah.

Al-Sarraj, ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Tripoli ka dib booqasho uu ku tagay dalka sida weyn ugu taageera xukunkiisa ee Turkiga.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowluud Jaawish Oglu (Mevlut Cavusoglu) ayaa khamiistan maanta sheegay in Turkiga iyo Russia ay ku heshiiyeen in xabbad joojin laga hirgeliyo Libya si loo dhiirigeliyo wadahadalada nabadda oo muddo dheer socday.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in dhinacyada Libya weydiistay in ay hanaan siyaasadeed oo cusub la yimaadaan.

“Hanaanka siyaasadda wuxuu u baahan yahay in dib boorka loo jafo isla markaana dib u dhaca doorashada laga dhigo mid la aqbali karo, waxaa jira calaamo yedaddiilo leh,” ayuu yiri Guterres.

Previous Post

Suudaan Waxaa lagu Xirey dad Qaraxyo Abaabulayay

Next Post

Ciidamada xoogga oo suurtagaliyay in Gawaari u rarnaa Ganacsato ay si nabad ah u gaaraan Xudur

Next Post
Ciidamada xoogga oo suurtagaliyay in Gawaari u rarnaa Ganacsato ay si nabad ah u gaaraan  Xudur

Ciidamada xoogga oo suurtagaliyay in Gawaari u rarnaa Ganacsato ay si nabad ah u gaaraan Xudur

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In