Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha India oo warqad u direy dhigiisa Pakistaan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha India oo warqad u direy dhigiisa Pakistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa warqad u direy dhigiisa Pakistaan Cimraan Khaan, isagoo ku sheegay in uu doonayo in xiriir saaxiibtinimo la yeesho Pakistaan, sida ay shegeen mas’uuliyiinta.

Modi ayaa talaaladadii u direy warqad Pakistan isagoo ugu hambalyeeyay maalinta xoriyadda dalka oo ku beegan 23 Maarso.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Labo mas’uul oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Pakistaan ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyay fariinta uu xambaarsan yahay dhambaalka.

“Daris ahaan, India waxay doonaysaa in ay xiriir saaxiibtinimo la yeelato dadka Pakistan isla markaana la abuuro is aaminaad iyo in Meesha laga saaro colaadda,” ayuu yiri Modi.

Asad Cumar oo ah wasiir ka tirsan Pakistan ayaa twitter ku soo qorey in warqadda ra’isul wasaare Modi tahay mid muujinaysa niyad wanaag.

Fariinta ra’iisul wasaaraha ayaa qeyb ka ah talaabooyin isdaba joog ah oo ifinaya dib u heshiisiin, xilli labada dhinac hadda leeyihiin wadahadalo ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Indus.

Dhowaan, ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan waxaa uu sheegay in uu doonayo in xiriir wanaagsan la yeesho India, hase yeeshee in talaabada ugu horeysay looga fadhiyo in ay qaaddo New Delhi, maadaama soo jeedin horey uu u sameeyay aan jawaab fiican laga bixinin.

Warqadda Modi ayaa sidoo kale, imaanaysa iyadoo dhowaan taliyaha militiriga Pakistan Janaraal Qamar Javed Bajwa oo sheegay in xalka muranka Kashmiir uu yahay wadahadal nabadeed.

Bishii hore taliyeyaasha militiriga labada dal ayaa soo saaray war saxaafadeed wadajir ah oo naadir ahaa kaas oo lagu caddeeyey xabbad joojin xudduudda gobolka Kashmir ka hirgash, ayagoo boqolaal jeer isku rasaaseeyay bilihii u dambeeyay.

Gobolka Himalayan ayaa u kala qeybsan Pakistan iyo india midkaasna wuxuu sheeganayaa lahaanshaha gobolka, labada dal sadex goor oo ay dagaalameen labo kamid ah gobolka Kashiir ayuu ku saabsanaa tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen gumeystihii Britain sanadkii 1947.

Aljazeera ayaa ku warantay in codsigii ay u dirtay labada wasaarad arrimo dibadeedka in aysan ka jawaabin codsigaas ku aadanaa warqadda Modi u direy Khaan.

Previous Post

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo qiray in xad gudubyo ka dhan rayidka ay ka  dhaceen gobalka Tigray

Next Post

Wakaaladda IAEA “Mustaqbalka heshiiska nukliyeerka Iiraan khatar ayuu ku jiraa”

Next Post
Wakaaladda IAEA “Mustaqbalka heshiiska nukliyeerka Iiraan khatar ayuu ku jiraa”

Wakaaladda IAEA “Mustaqbalka heshiiska nukliyeerka Iiraan khatar ayuu ku jiraa”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In