Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maalmahan safar shaqo oo mirodhal ah ku joogay magaalada Baydhabo, ayaa galabta u dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay Madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.