Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka  Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga, xasilinta dalka iyo faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday Xukuumadda Addis-ababa.

“Itoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa’iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dalka Baxreyn kula kulmay dhiggiisa dalka Kuwait

Next Post

Wasiiro ka tirsan XFS oo ku baaqay in laga hortego tabaha khawaarijta ee hurinta colaadaha

Next Post
Wasiiro ka tirsan XFS oo ku baaqay in laga hortego tabaha khawaarijta ee hurinta colaadaha

Wasiiro ka tirsan XFS oo ku baaqay in laga hortego tabaha khawaarijta ee hurinta colaadaha

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In