Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, isaga oo uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday qodobbada xasaasiga ah sida xoojinta garsoorka, hufnaanta maamulka, iyo dhammaystirka dib-u-habaynta dastuurka, isagoo xusay in dhammaan hawlahaas ay saldhig u yihiin dastuurka dalka.

Si gaar ah, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si firfircoon uga shaqeynayso sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd saaxadda caalamka. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan horumarro laga gaaray xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamiga ah.

Gabagabadii khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu si qoto dheer uga hadlay kaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo in ay dowladda ku taageeraan dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda. Waxa uu si guud ula dardaarmay Soomaalidu oo uu ku boorinayey in ay dalkooda u istaagaan si ay uga gudbaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla.

Previous Post

Madaxweynaha JFS “Waxaan ka shaqeyneynaa Soomaali ammaan ah, xor ka ah argagixisada, ayna ka qabsoomaan dalka doorashooyin Dimuquraaddi ah”

Next Post

Dawladda Soomaaliya oo ka Qayb gashay Shir-weynaha Midowga Africa oo lagu qabtay Nayroobi

Next Post
Dawladda Soomaaliya oo ka Qayb gashay Shir-weynaha Midowga Africa oo lagu qabtay Nayroobi

Dawladda Soomaaliya oo ka Qayb gashay Shir-weynaha Midowga Africa oo lagu qabtay Nayroobi

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 7-da February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Muqdisho, Sabti, 07 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In