Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke, ayaa maanta kulan  ay  ku wehliyeen wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa  la qaatay Fannaaiinta  hobollada Qaranka ee Waaberi, waxaana kulankaasi looga hadlayey dardargelinta doorka Wacyigalinneed ee Fannaaniinta.

Ujeedada kulankan qadada uu u sameeyey Ra’iisul wasaaraha masuuliyiinta  hobollada Qaranka Waaberi iyo Warbaabinta dowladda, ayaa aheyd sidii uu  ugu dhiiragelin lahaa sare u qaadidda wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed ay u hayaan labadaas hey’adood.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

kulanka qadada waxaa ka hadlay maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Nuux Yuusuf, oo yiri “mudane Ra’iisul wasaare, waad ku  mahadsan tahay qadada aad  nagu casuumtay, waxaanse kuu shageeyaa in ay jiraan daruufo badan, hasa yeeshee aan ballanqaadeyno in aan xoojinno doorka wacyigalinneed ee bulshada Soomaaliyeed, si dalka iyo dadka loo gaarsiiyo midnimo iyo is aaminid”.

Sidoo kale, madasha qadada aheyd, waxaa ka hadlay agaasimaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala, waxa uu sheegay in warbaahinta Qaranka ay kaalin mug leh ka qaadato soo nooleynta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, waxa uu yiri “ waxaan sameynaa ololle ka dhan ah argagixisada, burcad-badeedda iyo  wax walba oo bulshada dhib ku ah, anagoo sii wadi doona arrintaasi, iyadoo lagama maarmaan ay tahay taageeradiina”.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiis, mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka iyo fannaaniinta Waaberi oo iskaashaday in ay dalka gaarsiiyeen meel wanaagsan dhanka wacyigelintana,  laakin wax ay u baahan yihiin la si joogto ah looga warqabo, laguna dhiiragaliyo shaqadooda ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka qadada ah, sheegayna in wasaaradda Warfaafinta ay tahay hey’ad laf dhabar u ah dowladda oo dhan, isla markaana loo baahan yahay in laga wada faa’ideysto awoodda ku jirta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka iyo hobollada Fannaaniinta Waaberi.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke,, ayaa ku ammaanay howl-wadeenna Warbaahinta Qaranka sida muuqata ee ay waxqabadka dalka u soo bandhigeen iyo horumarrada ay dowladdu sameyso, isagoo fannaaniinta Waaberina kula dardaarmay in ay xoojiyaan kaalinta ay ku leeyihiin wacyigalinta dalka iyo dadka, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doono sidii loo dhisi lahaa xarunta murtida iyo madadaallada Qaranka Soomaaliyeed ee Tiyaatarka.

11137070_10202839415226643_1348434879_n 11139930_10202839406546426_1714626440_n 11100087_10202839415746656_178491355_n 11117714_10202839415386647_1100697531_n 11134246_10202839415346646_522979476_n

 

Previous Post

Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In