Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee Soomaaliya (East African Community).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay in mudanaha la magacaabay uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.