Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddiga Dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddiga Dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururrada bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay si loo dhaqan geliyo qorshaha isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta ee dawladda ay ka go’an tahay si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walbana lagu qiimeeyo aqoonta uu u-leeyahay shaqada loo dhiibayo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Sidii aan horey ugu balan qaadnay shacabka Soomaaliyeed, waxaan maanta halkan ku soo bandhignay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka. qof walba oo kamid noqonaya tartamayaasha waxaa lagu xulan doonaa aqoontiisa “.Ayuu yiri R/Wasaare Khayre oo intaasi raaciyey in dadka xilalka lagu aaminayo ay noqdaan kuwo wax ka beddali kara sida ay haatan hawsha u socoto.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey guddiga in agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu ay yihiin kuwii dhisi lahaa qaranka, xukuumadduna ay go’aan ku gaartay in tartanka loo galayo. Iyadoo mashruucan uu fursad u siinayo shacabka Soomaaliyeed in dawladdooda ay kula xisaabtamaan shaqada ay u hayso iyo dadkii ku habboonaa iney shaqada wadaan.

Previous Post

Thaabit oo sheegay in qaraxan uu ahaa musiibo qaran- Dhageyso

Next Post

Dhageyso barnaamij gaar ah oo ka hadlaya qaraxii maanta

Next Post
DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobalka oo ka hadlay Qaraxa Argagixisada ay ku xasuuqeen dadka Maatada ah

Dhageyso barnaamij gaar ah oo ka hadlaya qaraxii maanta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In