Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, August 31.2015——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday degaanada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Sh/hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga tashanayay sidii bulshada rayidku qeyb uga qaadan laheyd Qabyo-tirka Dastuurka dalka.

Gabagabadii kulankan ayaa laga soo saaray 14 qodob, oo ay bulshada rayidku u aragtay inay ku haboontahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka Qabyo-tir lagu sameeyo, waxayna ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda loo fahamsiin lahaa Dasatuurka, looguna wacyigelin lahaa dhowristiisa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in bulshada rayidku ay laf dhabar u yihiin Qabyo-tirka Dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex dhexaad u ah bulshada, una adeega.

“Dalkeena waxa halkaan dhigay waa Xasilooni darri siyaasadee, waxa maanta aan ka shaqeyneynona waa sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka, si loo helo xasilooni siyaasadee, maadaama Dastuurku qeexayo awoodaha Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo kula dar daarmay wakiiladii bulshada rayidka in aysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan danaha ummadda iyo wacyiga dalka.

“Mudada yar ee aanu heysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku dhameystirno Dastuurka, isla markaana dalka loo helo nidaam suurtagalin kara doorasho, maadaama aan la socono in dalka maanta aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar, wuxuuna ugu dambeyntii kula dardaarmay in wax kasta loo waajaho wadajir iyo wadatashi.

2 3 4 5 7 unnamed

Previous Post

Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Next Post
Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In