Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo guddiga abaaraha ku wareejiyay lacag “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guddiga abaaraha ku wareejiyay lacag loogu talagalay qoyska Madaxweynaha, taasi oo uu Madaxweynuhu u gartay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu ku saameysay gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalay barnaamijka Gurmad Walaal ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay lacagtan ku timid.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Sheekh Nuur waxaan rabaa inaan ku sheego Madaxweynaha ayaa ila soo hadlay, nin ganacsade ah ayaa u keenay lacag dhan 30 sodon kun oo dolar oo qoyskiisa loogu talagalay, Madaxweynuhu waxa uu igu soo wareejiyay lacagtaas si loo siiyo dadka ay abaartu heysato, anaguna waxaan rabaa inaad iga guddoontaan lacagtaas oo aad gaarsiisaan dadka loogu talagalay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga u sheegay in goordhaw ay soo gaari doonto lacago ay balan qaadeen ganacsato Soomaaliyeed kadib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa barnaamijka ka dhex sheegay in dowladda Turkiga ay ku deeqday daawooyin loogu talagalay dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ku dhibaateysan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyay in la joojiyo xafladaha la qabanayo inta ay jirto abaarta, laguna badalo kuwa dadka loogu gurmanayo oo si wada jir ah looga qeyb qaato abaarta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ka badan nus shacabka Soomaaliyeed ay soo asiibtay abaar aad u daran oo sababtay in meelaha qaar ay macluul ka dhalato, isla markaana hay’adaha samafalka ay kala hadleen in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka loogu gurmado oo aan waqti kale la sugi karin.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in ay la xanuunsanayaan kuwa ku dhibaateysan gudaha dalka, waxaana uu intaa ku daray in sida ay shacabka isugu gurmadaan ay noqon doono mid taariikhda gasha, shacabkuna looga baahanyahay inay dhexdooda isu gurmadaan.

“Waxaan kaa codsaneynaa haddii aad awooddid inaad caawiso walaalkaa, ha sugin beri iyo waqti kale, dadka walaalaheyga ah ee dunida ku nool waxaan u sheegayaa in dalka lagu dhibaateysanyahay fadlan soo gaarsiiya guddiga gurmadka, waxaana arrintan nooga mas’uul ah Sheekh Nuur Baaruud ee walaalahaaga sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaar, anaguna waxaan balan qaadeynaa inaan gaarsiineyno dadkii loogu talagalay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Barnaamijka oo dhameystiran ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/03/BARNAAMIJKA-TAAKULEYNTA-ABAARAH-103-2017.mp3

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

70-qof oo laga soo celiyay Maraykanka oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
70-qof oo laga soo celiyay Maraykanka oo soo gaaray Muqdisho

70-qof oo laga soo celiyay Maraykanka oo soo gaaray Muqdisho

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In