Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgelayo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ku tagey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud warbixin la xiriirta dhammeystirka Dastuurka KMG ah, horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, hagaajinta iyo horumarinta sharciyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso, si loogu gudbiyo golaha wasiirrada iyo dardar-gelinta shaqada ka socota wasaaradda.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo in la-qabyo-tiro dastuurka KMG ah dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kormeeray Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud oo dhowaan ay howlgelisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay ahmiyadda ay u leedahay dalka xaruntani oo ka jawaabi doonta baahiyaha deg-degga ah ee dhanka caafimaadka ee la soo gudboonaada dalka.

Previous Post

RW Xamse oo qaabbilay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray hoggaanka gaadiidka iyo keydinta Saadka Ciidanka

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray hoggaanka gaadiidka iyo keydinta Saadka Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray hoggaanka gaadiidka iyo keydinta Saadka Ciidanka

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In