Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarunta dhexe ee Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Dr. Axmed Macalim Xuseen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaraada ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay u muujiyeen la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.