Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta.