Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada, ayaa bishii labaad ee sannadkaan dib ula wareegtay Isbitaallada Banaadir iyo Martiini, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka

Previous Post

Guddiga KMG soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxweyne Xaaf, Wasiirrada iyo Xildhibaannada Galmudug

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In