Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada  Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, Isniin, 9 March 2015 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, Mudane Axmed Cabdisalaan, Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, Marwo Khadija Al-Maqsumi, Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Lataliyayaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dawladda Ethiopia sida ay gacan uga gaysato xasiloonida Soomaaliya, waxa uuna ka warbixiyay dadaalka ay dawladdu ugu jirto xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha dawladda si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Adeegyada Bulshada ee muhiimka ah, isagoo ka hadlay arrimaha ay kamid yihiin dhismaha Maamuladda Gobolada, aas-aaska guddiyada laf-dhabarka u ah hiigisiga 2016, dhamaystirka sharciyada, la-dagaalanka argagixisada iyo dardar-galinta dhismaha ciidanka iyo tababarkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid oo la hadlay saxaafadda kadib kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  waxaa yiri:

“Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada nagala dhexeeya dawladaha aan dariska nahay oo Ethiopia ay kamid tahay ee siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya waxaa ay ku socotaa wadadii dib-u-kabashada iyo dhismaha dawlad dib-u-soo celisa kala danbayntii iyo adeegyadii bulshada, waxaan uga mahad celinayaa dawladaha aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Ethiopia ay kamid tahay sida ay noogu garab taagan yihiin dadaaladaasi aan wadno ee xasiloonida dalka iyo qorsha hiigsiga 2016.

“Booqashadan rasmiga ah waxaa ay qayb ka tahay socdaalo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga aan la wadaagno dalalkaasi, kana qayb qaataan in aan gaarsiino dalka Soomaaliya, xasilooni, dib-u-dhis iyo horumar la taaban karo iyo in dadka Soomaaliyeed ay ku midoobaan, uguna istaagaan sidii mar kale ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa marka uu soo gaba-gabeeyo booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Ethiopia waxaa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagi doonaa dalka aynu walaalaha nahay ee Djibouti.

DF7B4176000 DF7B4184000 DF7B4204000 DF7B4211000 unnamed

Previous Post

Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”

Next Post

Arsenal oo Koobka FA Cup-ka ka Reebtay Kooxda Manchester United ”SAWIRRO”

Next Post
Arsenal oo Koobka FA Cup-ka ka Reebtay Kooxda Manchester United ”SAWIRRO”

Arsenal oo Koobka FA Cup-ka ka Reebtay Kooxda Manchester United ”SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In