Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa la kulmay Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa la kulmay Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Muqdisho, February 10, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Maxamed Cali “ Kediye”, ayaa gelinkii dambe la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban Madaxa Isutaga Wadamada Arabta ee Afrika ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Isutaga Wadamada Arabta, waxana ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga labada dhinac ka dhexeeya.

“Kulankeenna wuxuu qayb ka ahaa wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadkan 2016 iyo doorkooda ku aadan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen” ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

—-DHAMMAAD—-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In