Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Ruug-cadaagii Saxaafadeed Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa La-taliyaha R/Wasaaraha ee Arrimaha Saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabi yo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel walba oo ay joogaan. Marxuumka ayaa xaley saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Previous Post

Guddoomiye Jawaari Oo Kulammo La Qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Iraq Iyo Pakistan “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In