Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Baarlamaanka u qeybiyay qorshe howleedka Xukuumadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Baarlamaanka u qeybiyay qorshe howleedka Xukuumadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa loo qeyb-biyey barnaamijka Xukuumadda oo faah-faahsan kaddib markii uu hortagay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ku koobnaa hal ajande oo ah soo bandhigga barnaamijka Xukuumadda oo uu baarlamaanka u soo bandigay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo kulanka  uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa ku-xigeennad Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xubno ka socday Golaha Wasiirada, iyadoo uu kulanka ku furmay 150 xilhdibaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ugu horeyn Xildhibaannada baarlamaanka u faah faahiyay qodobka 62aad ee Xeer hoosaadka Golaha oo qeexaya wada shaqeynta joogta ah ee ka dhexeysa baarlamaanka iyo Wasaaradaha Xukuumadda ayaa tilmaamay in tani ay fududeyneyso isla xisaabtanka guddiyada iyo Wasaaradaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in saddexda cisho ee soo socota ee guddiyada joogta ah iyo Wasaaradaha la shaqada ah ay yeelan doonaan kulamo, si ay isula eegaan shaqooyinka la qabanayo, waxaana uu Xildhibaannada kula dar daarmay inay waqtiga ilaaliyaan oo ay soo xaadiraan kalfadhiyada soo socda, maadaama kalfadhiga howlaya horyaalla ay ka midyihiin  wax ka badalka dastuurka.

‘Mudaneyaal howlaha noo yaallo way badanyihiin, waqtiga aan haysano way yaryihiin, marka waxaan aad iyo aad u rajeynayaa in soo xaadiridda ay badato, qodobada ka hadalkooda kalfadhigan socda, waxaa ka mid ah dib u eegista Dastuurka, wuxuuna u baahanyahay ugu yaraan meesha inay fadhiyaan 200, Xildhibaan, Labo isbuuc ka bacdi waan masaxeynaa dhamaan wax Alle wixii fasax ah, waxkama jiraan ah ayay noqoneysaa, fasax ma jiro arrimo dastuuri ayaa la galayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo khudbad u jeediyay Xildhibaannada ayaa uga mahadceliyay sida ay Xukuumaddiisa ula xisaabtamayaan, isagoo baarlamaanka u faah faahiyay qorshaha xukuumadda ee ah Hiigsiga 2016-, sugidda amniga, siyaasadda iyo Federaaleynta dalka, dib u eegista dastuurka, hirgelinta Hanaanka doorashooyinka, Cadaaladda, tayeynta Wasaaradaha dowladda, dowlad wanaagga iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay wada shaqeynta iyo isla xisaabtanka, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay Ansixiyaan guddiyada Madaxa banaan ee dhawaan Golaha Wasiiradu meel mariyeen.

In Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda uu barnaamika Xukuumada ay ku shaqeyso horkeeyo baarlamaanka waxaa faraya qodobka 100aad ee dastuurka xarafkiisa C”, waxaana barnaamijka maanta loo qeybiyay baarlamaanka uu fududeyn iyo tiir dhexaad u noqoneyaa wada shaqeynta labada hay’adood.

IMG_0006 IMG_0008 IMG_0013 IMG_0017 IMG_0019 IMG_0025 IMG_0036 IMG_0038 IMG_0046 IMG_0051 IMG_0063 IMG_0065 IMG_0097 IMG_0128 IMG_0132 IMG_0142 IMG_0149 IMG_0174 IMG_0185 IMG_0195

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed

 

Previous Post

Gaalkacyo: Baaq loo jeediyay dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalka

Next Post

Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”

Next Post
Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May “SAWIRRO”

Muqdisho: Imtixaanka guud ee dugsiyada sare waxa uu si rasmi ah u bilaanayaa 30-ka May "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In