Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, December 28, 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey R/Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey in uu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

” Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loosoo ceshay kaalintii bulshada, iyagoo kusoo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo kulanka soo xiray ayaa ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga S/G. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka. Wuxuuna xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamaacadda Carabta.

Next Post

Maamulka Sh/Dhexe oo deeq gaarsiiyay haweeney 4 caruur ah ay ka geeriyoodeen

Next Post
Maamulka Sh/Dhexe oo deeq gaarsiiyay haweeney 4 caruur ah ay ka geeriyoodeen

Maamulka Sh/Dhexe oo deeq gaarsiiyay haweeney 4 caruur ah ay ka geeriyoodeen

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In