Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda degaano ka tirsan Mudug iyo Sool

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September 27, 2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa baaq nabadeed u diray kaasoo ku aadan joojinta colaada ka aloosan deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka Howdka oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sool. waxaana uu u jeediyey beelaha walaalaha ee dirirtu dhexmartay inay joojiyaan colaada isla markaana ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee deegaanadaas ku wada dhaqan.

“Waan ka xumahay dagaallada ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Magaclay, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah ay dagaalka ku joojiyaan. Dagaal wiil-baa ku dhibta ee wiil kuma dhasho. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, hadana waxaan hiigsaneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan”. Ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas raaciyay in khadka telefoonka uu kula hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaalamay isla markaana ay ka aqbaleen in ay khilaafka ku xalin doonaan wada xaajood, waxana dhiiri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay qaraxii dhawaan ay kooxaha nabadda argagixisadu ka geysteen halka laga soo galo ee xarunta Madaxtooyada qaranka, isagoo tacsi u direy ehellada dhammaan dadkii weerarkaas ku dhintay, caafimaadna u rajeeyey cid walba oo gacanta argagixisada ku dhaawacmay. Iyadoo uu shacabka Soomaaliya ugu baaqay meel in ay uga soo wada jeestaan cadawga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay safar uu maanta ugu ambabaxayo magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka jeedin doono khudbad. Isagoona sidoo kale ka qayb galaya shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya kaasi oo ka dhici doona dalka Mareynaka, wuxuuna rajo ka muujiyay in shirkaas ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah danaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaab satay horumar kala duwan dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, wuxuna hoosta ka xariiqay muddo gaaban gudahood in lagu soo dhamaystiri doono maamuulada dhiman sida Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, iyadoo loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada ee labada gobol.

—DHAMMAAD—–

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Doorka Haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Next Post
Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga

Doorka Haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In