Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka hadlay qorshaha Tayaynta Ciidanka Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay hantaan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Soomaaliy.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Waraysi siiyay Idaacadda VOA laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Horumarinta Ciidanka Qaranka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Qorshaha ciidankaan aan u tayeynayno maaha in ay  u shaqeeyaan qabiil ama ay la sii dagaallamaan shabaab laakiin, waxaan u tayaynaynaa  in mar dambe Soomaaliy ay dhibaato ka dhicin, ciidanka Nuucaas ah waxa ay u baahanyihiin qalab, dhaqale iyo tababar, Dowladaha Aan is leenahay way idinka caawin karaan Arrintaanna waxaa ugu horeeya Dowladda Ingiriiska” Ayuu yiri Ra’iisul waasaare Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya sheegay in Dowladdu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo Mushaaradka ciidamada Qaranka gaar ahaan in la ilaaliyo waqtiga ciidanka ay qaataan lacagaha Dowladda ay ugu shaqeeyaan.

“Waxaan wadnaa waxa ay hadda helaan ciidamada in la joogteeyo,  waxyaabaha aan dhaqaalaha awoodda u siinayno waxa ay tahay in la tayeeyo ciidamada, si dhaqaale fiican u qaataan ” Ayuu yiri markale Ra’iisul waasaare Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa  ka hadlay Xirooyinka Ciidamada iyo Habka la doonayo in loo tayeeyo si loo ogaado Nolosha ciidamada Qaranka oo ah Awoodda Koowaad ee dadka iyo dalka.

“ Waxaa Noogu Daran  oo hadda dhibka naga haysta waxa ay tahay Xirooyinka Ciidamada, Dowladduna waxa ay waddaa qorshe loogu  diyaarinayo ciidanka Qaranka xirooyin ay ka heli karaan Nolol wanaagsan Tababarna ay ku qaadan karaan ”Ayuu Yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ugu dambayntii Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in qorshayaashaas ay  Dowladdu waddo ay la kaashan doonto Dowladaha caalamka ee taageerada siiya Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan waxa ay wadday qorshe lagu horumarinayo ciidamada qaranka  iyo sidii loo heli lahaa ciidamo isku dhaf ah oo qaranka u shaqeeya dadalladaas oo hadda meel wanaagsan u maraya Dowladda.

 

 

Previous Post

Dhagayso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliska Boliiska oo Wada qorshe lagu Horumarinayo Ciidankaas

Next Post
Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay xaaladda ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (Dhageyso+Sawirro)

Taliska Boliiska oo Wada qorshe lagu Horumarinayo Ciidankaas

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In