Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan magaalada Cadaado ayaa kulamo looga hadlayo xal ka gaarida xiisadaha ka jira magaalada Gaalkacyo la leh Madaxda dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, ayaa tan iyo xalay waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Madaxda dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasi oo inta badan diirada lagu saarayay sidii loo qaboojin lahaa colaadda Gaalkacyo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakiil ciidan oo ka tirsan Galmudug, kuwaasi oo uu ka dhageystay xaaladda magaalada Gaalkacyo, iyadoo inta uu shirka socday la isla soo hadal qaaday in la xoojiyo heshiiskii labada Maamul ay kal hore wada saxiixdeen gaar ahaan bishii December ee sanadkii 2015-ka.

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin waxkasta oo lagu xalin karo waxyaabihii sababay gacan ka hadalka oo ay ugu horeyso in la kala qaado ciidamada, isla markaana xabad joojin ay ku dhawaaqaan labada dhinac, si ay u hirgasho dadaalada lagu xalinayo colaadda Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay u amba baxaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Puntland.

Previous Post

Hay’adda Culimada oo sheegtay inay bilaawday wada hadalo ay kala yeelanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug xalinta Gaalkacyo

Next Post

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo soo dhaweysay xukun ay gaartay Maxkamadda sare ee Boqortooyada Ingiriiska

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo soo dhaweysay xukun ay gaartay Maxkamadda sare ee Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In