Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, April 6, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa la kulmay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe, waxana kulanka ku weheliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawlada Federaalka iyo Puntland, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda.

Ugu horeyn maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garowe Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xarunta Jaamacadda, iyadoo uu in sheegay Jaamacaddu ay kamid tahay kuwooda ugu faca-weyn Soomaaliya isla markaana ay ka soo baxeen aqoon yahano iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa khudbad ka jeediyey hoolka ay Ardaydaasi kusoo diyaariyeen maamulka Jaamacadda Bariga Afrika, waxaana uu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Dalkeenna, gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hada gashay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan Hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Ardeyda la hadlayey ayaa yiri:

“Soomaaliya waxey xiligan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo doorashooyin, shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasi oo horseedaysa isbedellada aan dooneyno sida doorashooyinka dhowaan dhaci doona”

“Dawladdu waxey ahmiyad siineysaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadda ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka,dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya waayo waxaad la socotaan in Xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhalinyaro. Waxaa kale oo kaalin mugleh uga jira haweenka Soomaaliyeed. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda aqoonyahannada ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka, waana qeyb ka mid ah isbedellada hormarineed oo aynu dooneyno inaan dalka ka hirgelino” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaamanlahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli argigixisadu saameyn ku leedahay.

Ugu danbeyn, Maamulka Jaamacadda ayaa Shahaado Sharaf guddoon siiyey Ra’iisul Wasaaraha.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12 13

Previous Post

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Aadan Yabaal

Next Post

Maryamo Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Next Post
Maryamo  Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Maryamo Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In