Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 6, 2016
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, April 6, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa la kulmay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe, waxana kulanka ku weheliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawlada Federaalka iyo Puntland, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda.

Ugu horeyn maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garowe Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xarunta Jaamacadda, iyadoo uu in sheegay Jaamacaddu ay kamid tahay kuwooda ugu faca-weyn Soomaaliya isla markaana ay ka soo baxeen aqoon yahano iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa khudbad ka jeediyey hoolka ay Ardaydaasi kusoo diyaariyeen maamulka Jaamacadda Bariga Afrika, waxaana uu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Dalkeenna, gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hada gashay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan Hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Ardeyda la hadlayey ayaa yiri:

“Soomaaliya waxey xiligan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo doorashooyin, shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasi oo horseedaysa isbedellada aan dooneyno sida doorashooyinka dhowaan dhaci doona”

“Dawladdu waxey ahmiyad siineysaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadda ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka,dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya waayo waxaad la socotaan in Xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhalinyaro. Waxaa kale oo kaalin mugleh uga jira haweenka Soomaaliyeed. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda aqoonyahannada ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka, waana qeyb ka mid ah isbedellada hormarineed oo aynu dooneyno inaan dalka ka hirgelino” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaamanlahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli argigixisadu saameyn ku leedahay.

Ugu danbeyn, Maamulka Jaamacadda ayaa Shahaado Sharaf guddoon siiyey Ra’iisul Wasaaraha.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12 13

Previous Post

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Aadan Yabaal

Next Post

Maryamo Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Next Post
Maryamo  Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Maryamo Abuukar Jimcaale oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In