Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib safar shaqo oo uu ku tagay  Cadaado-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib safar shaqo oo uu ku tagay  Cadaado-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 02, June, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la soo qaatay Gudiga Farsamada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ururada Haweenka iyo madax ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howlo badan oo muhim u ahaa geedi socodka dhismaha maamulkan ay qabsoomeen isagoo mahadcelin u jeediyey maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti galiyey qabsoomida shirka Cadaado.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

R/Wasaaraha ayaa saaka la kulmay guddiga farsamada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, waxana halkaas ka hadashay Guddoomiyaha guddiga Marwo Xaliimo Yarey oo R/Wasaaraha uga warbixisay shaqooyinka u qabsoomay guddiga iyo kuwa ka dhiman, waxana sidoo kale R/Wasaraha sheegay in guddiga laga sugayo dhameystirka iyo sixida howlaha shirka, isla markaana xukuumadu ay garab taagan tahay.

Sidoo kale. Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka oo uu kula dar-daarmay in ay iska ilaawaan wixii khilaafaad ah, meelna uga soo wada jeestaan dhamaytirka howlaha baaxada leh ee shirka horyaala.

Ugu danbayntii R/Wasaaraha ayaa sheegay in muddo dhow lasoo afmeeri doono wajiga labaad ee shirka, loona gudbi doono dhamaystirka howlaha harsan.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Kadib Al-shabaab adeegyadii bulshada ee degmada Mahadaay oo soo laabtay

Next Post

Wasiirka arimaha dibadda oo ka warbixiyay shirkii ka dhacay Kuwait

Next Post
Wasiirka arimaha dibadda oo ka warbixiyay shirkii ka dhacay Kuwait

Wasiirka arimaha dibadda oo ka warbixiyay shirkii ka dhacay Kuwait

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In