Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo soo xiray shirkii 53-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo soo xiray shirkii 53-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 10. Jan, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo xiray shirka aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shirkani fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.

Mudane Cumar C/rashiid, ayaa ku tilmaamay Dowlada Soomaaliya in ay diiradda saarayso ka miro dhalinta hiigsiga 2016, waxa kastana loo kala horumarin doona sida ay u kala mudan yihiin oo ay ugu horreeyaan xoreynta iyo nabad kusoo dabaallidda dalka, Siyaasad xasilan oo ay ka qayb galaan qabaha kala duwan ee bulshada, hilidda daryeel caafimaad, waxabarasho iyo dhiirigalinta ganacsiga si uu sal dhig ugu noqdo hormarinta dhaqaalaha.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Waxaana asaaska u dhigaynaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016, anagoo kaashanayna beesha caalamka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaan wuxuu xoojinayaa balanqaadkeena ku aadan arigtada 2016, xoojinta nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo qaabaynta xasilinta dalka si loo helo Soomaaliya oo nabada ah” ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisi doono muhiimadda siin doonto, dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka, dhamaystirka nidaamka federaalka, iyo in dalka la gaarsiiyo in qof kasta helo fursad uu wax ku doorto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda uu dhisi doono ay horyaalaan arrimo muhiim ah oo dalka looga saarayo marxalada uu ku jiro, isagoona sheegay in si dhaqso ah u soo magacaabayo Golaha Wasiirrada kuwaas oo noqon doono kuwa leh khibrad maamul oo fulin kara howlaha dowladda horyaala.

“Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay dadaal u gali doontaa sidii loo heli lahaa wadatashi iyo isfaham dhex mara madaxda qaranka, tani waxay awood noo siinaysaa inay xukuumadu ku shaqayso siyaasad xasiloon, taas oo abuuri karta wada shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee dowladda, waxayna horseedi kartaa in la hanto kalsoonida shacabka”ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu.

RW Cumar, ayaa ugu danbeyntii xusay si arimahaan guul looga gaaro loo bahan yahay taageero iyo garab istaaga bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada IGAD. Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho uu shirkani marti galisay ay qeyb ka tahay sida looga miro dhaliyey balanqaadkii dowladda iyo taageeradii ay siiyeen dowladaha IGAD dalka Soomaaliya xili dagaallo lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.

—DHAMAAD—
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

unnamed (14)

unnamed (15)

unnamed (16)

unnamed (18)

unnamed (19)

unnamed (20)

unnamed

Previous Post

DAAWO/Dhageyso War-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee IGDAD

Next Post

Liverpool oo Ka Adkaatay Kooxda Sunderland “SAWIRRO”

Next Post
Liverpool oo Ka Adkaatay Kooxda Sunderland “SAWIRRO”

Liverpool oo Ka Adkaatay Kooxda Sunderland “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In