Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Ra’iisul wasaare Cumar oo xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday dalka Shiinaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 30, 2015
in Wararka
0
 Ra’iisul wasaare Cumar oo xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday dalka Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 30, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku-xigeenka Kalluumaysiga, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi
balaaran oo ka socday dowladda Shiinaha.

Waftigaan ayaa waxaa hogaaminayey Liu Guijin oo ah Ergayga dowlada Shiinaha u qaabilsan Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, wuxuuna Ergayga iyo waftigiisu qiimaynayaan sida ugu haboon ee dowladda Soomaaliya uga mid noqon lahayd golahaas.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya wuxuu dib u soo noqday markii la dhisay dowladan cusub dhamaadka sanadkii 2012, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir dheer oo soo bilowday 1960-kii, waxaa noo qorshaysan
inaan Soomaaliya ka caawino, dhanka warshadaha si dadka shaqo loogu abuuro, dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka, oo saldhig u ah in dalka wax badan laga caawiyo, waxaana rajaynaa in Soomaaliya sanadkaan dhamaadkiisa ay ku soo biirto Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, si ay uga fa’iidaysato deeqaha iyo daymaha dowladda Shiinuhu siiso wadamada ka midka ah golahaan.”ayuu yiri Mr Liu Guijin

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa uga mahadceliyey wafdiga Shiinaha booqashada ay ugu kuurgalayaan  sidii ay dalka uga caawin lahaayeen inuu cagihiisa isku taago, dib u dhisna ay ku sameeyaan goobihii ay Shiinuhu dhiseen oo bur burku soo gaaray.

“Waxaa dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii ay ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo China, waxaana arinkaas hormuud ka ah diyaarinteeda Wasaaradeena Arrimaha Dibadda. Dowladda Shiinaha waxaan ka rajaynaynaa markii aan ka mid noqono golahan inaan qayb ka helno mashaariicda ay Shiinuhu ku hormarinayaan Africa, waxana mudnaanta noo leh hormarinta Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Waxbarashada” ayuu yir RW Cumar

Ugu danbayntii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Khalid Cali Cumar ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday qaabkii ay uga mid noqon lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka qayb galayso sanadkan dhamaadkiisa shir heer Wasiir ah oo ka dhacaya South Africa.

“Waftigaan wuxuu qiimaynayaa sidii Soomaaliya ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa oo la asaasay sanadii 2000, wuxuu golahaan taageero balaaran ka gaystaa dib u dhiska Africa, waxaana la qabtaa sadexdii sanaba shir heer madaxweyne ah, waxaana shirkii ugu danbeeyey lagu balan qaaday lacag gaaraysa 20 bilyan oo doolar oo dalalka Africa ay ku helaan deeq, deyn aan dulsaar lahayn iyo deyn dulsaarkeedu yar yahay.

—-DHAMAAD—

IMG_5355 IMG_5366 IMG_5382 IMG_5386 IMG_5392 IMG_5433

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In