Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar: “Waxaan wadnaa qorshe sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay wado qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isla markaana siyaasad loogu dajinayo nidaamka canshuuraha.

Ra’iisul wasaare Cumar oo khubad ku aadan qorshe howleedka Xukuumadda ka hor akhriyay baarlamaanka Federalaka ah ee Soomaaliya ayaa tilmamay inay socdaan dadaallo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka, loona baahanyahay in la dhiiri geliyo Maalgeshiga shisheeye ee dalka.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

“Xukuumadda waxa ay xoogga saareysaa kobcinta dhaqaalaha, waxaa meel wanaagsan maraya siyaasada canshuuraha, marka aan meel marino siyaasadda canshuuraha, waxaan ku kalsoonahay in daqliga dowladda uu kordhayo, waxaana rumeysnahay in aan daqli ka soo uruurrin karno Isgaarsiinta, Xawaaladaha, shirkadaha, Hotelleda korontada iyo biyaha” waxaana uu intaa raaciyay Ra’iisul wasaaraha “Dhiirigelinta Maalgeshiga, si dhaqaalaheena uu kobco, waxaa lagama maarmaan ah in aan helno siyaasad dhiirigelineysa maalgeshiga Shisheeye, si aan aerrintaasi u hirgelino waxaan sameynay guddi ka kooban Wasaaradaha ay quseyso, kuwaasi oo aan u xilsaarnay inay qiimeyn ku sameeyaan sharciga hadda baarlamaanka horyaalla”,

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka lagu saleyn doono cilmi baaris iyo xog uruurrin, iyadoo sidoo kale wada tashi lala sameyn doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Sameynta qorshe Qaran oo ku aadan hanaanka kobcinta dhaqaalaha, waxaa arrintan nooga xiran in Soomaaliya nalaga cafiyo deymaha nalagu leeyahay, Wasaaradda qorsheynta ayaa arrintaasi gacanta ku heysa, waxaana uu ku saleysnaan doonaa cilmi baaris iyo xog uruurrin, ku aadan wadatashi lala yeelanaya qeybaha bulshada, iyadoo laga qeyb gelinayo dowlad goboleedyada dalka ka jir, si qorshahan uu u noqdo mid Qaran” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn xusay inay jirto mashruucyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada dalka, si ay u noqdaan kuwa ka qeyb qaata horumarka dalka.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In