Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar: “Waxaan wadnaa qorshe sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay wado qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isla markaana siyaasad loogu dajinayo nidaamka canshuuraha.

Ra’iisul wasaare Cumar oo khubad ku aadan qorshe howleedka Xukuumadda ka hor akhriyay baarlamaanka Federalaka ah ee Soomaaliya ayaa tilmamay inay socdaan dadaallo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka, loona baahanyahay in la dhiiri geliyo Maalgeshiga shisheeye ee dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

“Xukuumadda waxa ay xoogga saareysaa kobcinta dhaqaalaha, waxaa meel wanaagsan maraya siyaasada canshuuraha, marka aan meel marino siyaasadda canshuuraha, waxaan ku kalsoonahay in daqliga dowladda uu kordhayo, waxaana rumeysnahay in aan daqli ka soo uruurrin karno Isgaarsiinta, Xawaaladaha, shirkadaha, Hotelleda korontada iyo biyaha” waxaana uu intaa raaciyay Ra’iisul wasaaraha “Dhiirigelinta Maalgeshiga, si dhaqaalaheena uu kobco, waxaa lagama maarmaan ah in aan helno siyaasad dhiirigelineysa maalgeshiga Shisheeye, si aan aerrintaasi u hirgelino waxaan sameynay guddi ka kooban Wasaaradaha ay quseyso, kuwaasi oo aan u xilsaarnay inay qiimeyn ku sameeyaan sharciga hadda baarlamaanka horyaalla”,

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka lagu saleyn doono cilmi baaris iyo xog uruurrin, iyadoo sidoo kale wada tashi lala sameyn doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Sameynta qorshe Qaran oo ku aadan hanaanka kobcinta dhaqaalaha, waxaa arrintan nooga xiran in Soomaaliya nalaga cafiyo deymaha nalagu leeyahay, Wasaaradda qorsheynta ayaa arrintaasi gacanta ku heysa, waxaana uu ku saleysnaan doonaa cilmi baaris iyo xog uruurrin, ku aadan wadatashi lala yeelanaya qeybaha bulshada, iyadoo laga qeyb gelinayo dowlad goboleedyada dalka ka jir, si qorshahan uu u noqdo mid Qaran” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn xusay inay jirto mashruucyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada dalka, si ay u noqdaan kuwa ka qeyb qaata horumarka dalka.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In