Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khaye Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khaye Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026

Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo Aargada Kismaayo kula hadlay kumannaan dadwayne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay, “Madxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Socdaalkiisu waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay u tahay markii labaad ee uu yimaado Jubaland, sannadakii 2017-adii ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sidaan oo kale u yimid Kismaayo, xilligaas oo lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirradu ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo tacsi u dirtay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda

Next Post

Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Next Post
Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In