Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khaye Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khaye Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland.

 

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo Aargada Kismaayo kula hadlay kumannaan dadwayne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay, “Madxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Socdaalkiisu waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay u tahay markii labaad ee uu yimaado Jubaland, sannadakii 2017-adii ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sidaan oo kale u yimid Kismaayo, xilligaas oo lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirradu ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo tacsi u dirtay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda

Next Post

Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Next Post
Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Mayor Of Mogadishu Lays The Stone Foundation Of A New Lab For Testing Construction Material

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In