Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre, “Dhaqaalaha Wadanka Lama Kobcin Karo Hadii dadku Aysan Xirfad Laheyn” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 5, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre, “Dhaqaalaha Wadanka Lama Kobcin Karo Hadii dadku Aysan Xirfad Laheyn” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 05, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka Isgaarsiinta Qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

“Waxa aan rabnaa in aan la tartanno dunida, waxa aan rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aan rabnaa in dhaqaalaha waddanka kobcinno. Dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo hadii aan la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aan rabno in aan dhaqaalaha wadanka kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaaco waxaa loo baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ra’iisul Wasaraha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.

“Marka aan machadka isgaarsiinta dib u fureyno, dawladda nagu dheggan ee Jabuuti waxa ay maanta isugu yeertay madaxda Afrikaanka ah si ay tusiso balaayinnta doollar ee ay ku maalgashadeen ganacsiga, dawladda Kenya waxa y dhoofineysaa Shidaal, dawladda Ethiopia sidaas oo kale. Waxaa la rabaa dadka Soomaaliyeed in ay hurdada ka kacaan oo la xisaabtamo. Qabyaalada aan qarranimo ku bedelno, laaluushka iyo Musuq-maasuqa aan daacanimo ku bedelno, Fadhi ku dirirkana aan shaqo ku bedelno”, ayuu ku boorriyay ka qeyb galayaasha Munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dib u furitaanka Machadka ay qiima weyn ugu fadhido Hawl-wadeennada wasaaradda, dawladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku reja weyntahay in kaadiriinta lagu tababarayo Machadka Isgaarsiinta qaranka ay musqabalka horumariyaan Software aduunka loo dhoofiyo, waxa uuna ka dalbaday hey’adaha isgaarsiinta in ay taageeraan machadka.

Machadka Isgaariinta Qaranka oo qeyb ka ah Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda waxaa la’aasaasay June 28, 1976, si loogu tababaro shaqaalaha Isgaarsiinta ee isugu jira Farsamayaqaannada iyo Injineerada.

—DHAMMAAD—-


 

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Afhayeenka Maamulka

Next Post

National Telecom Institute re-launched

Next Post
Machadka Isgaarsiinta Qaranka oo dib loo hawlgeliyay “SAWIRRO”

National Telecom Institute re-launched

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In