Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre “Dowladda Mareykanku ma aysan joojin taageerada dhanka amniga ee la garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Dowladda Mareykanku ma aysan joojin taageerada dhanka amniga ee la garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaar ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go’antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri RW Khayre oo intaas raaciyey.

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan idinla wadaago in dawladda Soomaaliya ay sameysay daraasad muddo dheer aan wadnay oo haatan lasoo gabogabeeyay. Daraasaddaas oo lagu qiimeynayay tirada, tayada, qalabka ay haystaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada XDS”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan.

“Waxaa jira dalal naga caawiya mushaar bixinta ciidamada oo aan horay isula garannay inaan soo dhameystirno daraasadda aan soo xusay si aan u dejino qorshe dhameystiran oo qeexayo taageerada aan ka rabno iyo qaab dhismeedka ciidamada. Is-afgaradkan ayaa waxaa uu sababay in dawladda Mareykanka oo dalalkaas kamid ah ay si kumeel gaar ah u hakiso mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in Dawladda Mareykanka aysan joojin taageerada ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu sheegay in heer gabogabo ah marayo qorshe ka dhashay daarasadka la sameeyay ee xoojinaya isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka loo maamulo kaalmada dhanka amniga ah ee Soomaaliya ka hesho caalamka, dhowaana ay dib u bilaaban doonto mushaaraadka iyo kaalmada amniga.

Previous Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta hakiyey kulamada guud ee Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka

Next Post

Dhageyso: Wafdi ka Socda QM iyo Talyaaniga oo gaaray Hobyo

Next Post
Dhageyso: Wafdi ka Socda QM iyo Talyaaniga oo gaaray Hobyo

Dhageyso: Wafdi ka Socda QM iyo Talyaaniga oo gaaray Hobyo

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In