Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Hadii Aan Xal Waara Loo Helin Daadadka Iyo Maamulka Biyaha Lama Gaarayo Horumarka La Hiigsanayo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre: “Hadii Aan Xal Waara Loo Helin Daadadka Iyo Maamulka Biyaha Lama Gaarayo Horumarka La Hiigsanayo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.

Previous Post

Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19 oo Agab loogu talagalay xakameynta  Coronavirus ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Next Post

Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday afar qof oo ku eedeeysanaa dilka taliyihi ciidanka Gorgor

Next Post
Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday afar qof oo ku eedeeysanaa dilka taliyihi ciidanka Gorgor

Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday afar qof oo ku eedeeysanaa dilka taliyihi ciidanka Gorgor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In