Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: Haweenka Soomaaliyeed Waxay Kaalin Weyn Oo Lama Illoobaan Ah Ka Qaateen Badbaadinta Qarankeena

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
RW Kheyre: Bogga cusub ee siyaasada Soomaaliya (Qormo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta siddeedda Maarso ayaa caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaamiyayaal, barbaariyayaal, dhaqaale abuurayaal, colaaadd demiyayaal iyo isku xirayaasha bulshada.

“Hamblayo dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Waxaad kaalin weyn oo lama illoobaan ah ka qaadateen badbaadinta Qarankeena. Waan idinku bogaadinayaa sida aad ugu heellan tihiin dib-u-dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta Haweenka Aduunka ee sideedda Maarso.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in haweenka Soomaaliyeed oo ragga uga wanaagsan amaanada, shaqada iyo waxbarashada ay hormuud u ahaayeen halgan waliba oo ummadda Soomaaliyeed soo galeen, waxuuna ugu baaqay in ay sii wadaan halganka loogu jiro horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Jamuuriyadda waxuu sheegay in qarniga lagu jiro ee 21-aad ay dunidu ku tartameyso aqoon iyo xirfad, lama huraanna ay tahay tirada iyo tayada dadka, hadba sida tartanka ay ummadda Soomaaliyeed ugu guuleystaanna ay ku xirantahay hannaanka haweenka loo siiyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin oo dhammeystiran.

Hoggaanka dowladda Soomaaliya oo garaawsan dowrka wax ku oolka ah ee haweenku ay ku leeyihiin horumarinta, nabadeynta, badbaadinta ummadda, iyo dib-u-dhiska qarannimada, ayaa xil iska saaray awood siinta haweenka, ka qayb gelinta siyaasadda iyo in xilal sare oo muhiim ah ay ka qabtaan laamaha amniga iyo fulinta.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degmada Buula-burte

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In