Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: Haweenka Soomaaliyeed Waxay Kaalin Weyn Oo Lama Illoobaan Ah Ka Qaateen Badbaadinta Qarankeena

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 8, 2020
in Wararka
0
RW Kheyre: Bogga cusub ee siyaasada Soomaaliya (Qormo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta siddeedda Maarso ayaa caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaamiyayaal, barbaariyayaal, dhaqaale abuurayaal, colaaadd demiyayaal iyo isku xirayaasha bulshada.

“Hamblayo dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Waxaad kaalin weyn oo lama illoobaan ah ka qaadateen badbaadinta Qarankeena. Waan idinku bogaadinayaa sida aad ugu heellan tihiin dib-u-dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta Haweenka Aduunka ee sideedda Maarso.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in haweenka Soomaaliyeed oo ragga uga wanaagsan amaanada, shaqada iyo waxbarashada ay hormuud u ahaayeen halgan waliba oo ummadda Soomaaliyeed soo galeen, waxuuna ugu baaqay in ay sii wadaan halganka loogu jiro horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Jamuuriyadda waxuu sheegay in qarniga lagu jiro ee 21-aad ay dunidu ku tartameyso aqoon iyo xirfad, lama huraanna ay tahay tirada iyo tayada dadka, hadba sida tartanka ay ummadda Soomaaliyeed ugu guuleystaanna ay ku xirantahay hannaanka haweenka loo siiyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin oo dhammeystiran.

Hoggaanka dowladda Soomaaliya oo garaawsan dowrka wax ku oolka ah ee haweenku ay ku leeyihiin horumarinta, nabadeynta, badbaadinta ummadda, iyo dib-u-dhiska qarannimada, ayaa xil iska saaray awood siinta haweenka, ka qayb gelinta siyaasadda iyo in xilal sare oo muhiim ah ay ka qabtaan laamaha amniga iyo fulinta.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degmada Buula-burte

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas “SAWIRRO”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In