Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre “Himilada Shacabka Koonfur Galbeed waa in ay deegaannadooda ku helaan amni iyo nolol wanaagsan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Himilada Shacabka Koonfur Galbeed waa in ay deegaannadooda ku helaan amni iyo nolol wanaagsan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxa aan Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in himilada shacabka Koonfur Galbeed ay tahay in deegaannadooda ay ku helaan amni iyo nolol wanaagsan.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed iyo amni ee ka jira dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Musharaxiintii xilka Madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxa uu ku ammaanay laamaha ammaanka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed sida ay ugu istaageen xaqiijinta amniga iyo in ay ka hortageen qorsheyaasha gurracan ee argagixisada Alshabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Previous Post

Xukuumadda oo Meel Marisay Ku-biiritaanka Soomaaliya ee Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika

Next Post

Daawo+Sawirro” Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Next Post
Daawo+Sawirro” Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Daawo+Sawirro" Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In