Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya oo Kawada hadlay Xakameynta COVID-19

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 21, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo  Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya oo Kawada hadlay Xakameynta COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.

Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo howsha iskudubba ridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya.

Tags: Ra'iisul Wasaare Khayre iyo dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya oo Ka hadlay Xakameynta COVID-19
Previous Post

Suuq la’aan soo wajahday Ganacstada Qudaarta Jowhar Covid-19 awgiis+Sawirro

Next Post

Khaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Khaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay Muqdisho+Sawirro

Khaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay Muqdisho+Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In