Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Maamulaha Shirkadda Enez Oo Ka Hadlay Dardar Gelinta Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 20, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Maamulaha Shirkadda Enez Oo Ka Hadlay Dardar Gelinta Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka oo kulamo la Qaatay Wafdi ka socda UNDP.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Qorshaha Gobalka Banaadir ee Xal u Helidda Barakacayaasha “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Qorshaha Gobalka Banaadir ee Xal u Helidda Barakacayaasha “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Qorshaha Gobalka Banaadir ee Xal u Helidda Barakacayaasha “SAWIRRO”

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In