Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Boggaadiyay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Boggaadiyay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya, salaan sharafeed ka dibna waxaa Ra’iisul Wasaaraha la soo tusay dhismaha cusub ee taliska guud Ciidanka Asluubta ee KM7, iyadoo uu halkaa kaga dhagaystay warbixin taliyihii hore iyo taliyaha cusub, waxayna sheegayn in dib u dhiska xaruntan ay gacan wayn ka gaysteen ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo uu dhismaha ka kooban yahay 93 xafiis iyo 3 hool oo loogu tala galay in lagu qabto shirarka caadiga ah iyo xafladaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horayntii tahniyad u diray dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka mid yihiin tiirarka uu ku taagan yahay qaranku, ayna ka qayb qaataan difaaca dalka iyo xaaladaha deg deg ah. Sidoo kale waxuu timaamay in ciidanka Asluubta waajibaadkiisa uusan ahayn oo kaliya ilaalinta iyo daryeelka maxaabiista, balse ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhaqan celinta bulshadda.

“Waxaa muuqda horumar iyo yididiilo, lix bilood ka hor halkan waxay ahayd meel cidlo ah, maantana waxaan Indhaheena ku aragnaa billicda ka muuqata xaruntan, taasna waxaa sabab u ah isku tashiga shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya dawladoodda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale bogaadiyay ciidan Asluubta iyo doorka ay ku leeyihiin wax qabadka dalka, wuxuuna ku wargaliyay in ay dar-dar galiyaan howsha ay ummadda u hayaan. Waxuu kaloo dadka Soomaaliyeed u sheegay in ay iyagu dowladnimadda ay gacantooda ku jirto, aayaha iyo mustaqbalka ubadkoodana ay ka tashadaan.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Heshiis iskaashi ah la saxiixatay dhigeeda dalka Suudaan+(Sawirro)

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK”Waxaa guul ah in Dowladda Soomaaliya ay xabsiyada caalamka ka soo deynso maxaabiista

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK”Waxaa guul ah in Dowladda Soomaaliya ay xabsiyada caalamka ka soo deynso maxaabiista

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK”Waxaa guul ah in Dowladda Soomaaliya ay xabsiyada caalamka ka soo deynso maxaabiista

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In