Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka saaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaarah Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga ahdlay dhinacyada, ammaanka,siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Shabaab,arrimaha bani’aadanimada,isagoo taageero dheeraad ah ka dalbaday Caalamka.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah,si Dowladdu ay uga guulesato dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada oo khatar ku ah horumarka Dalka.

“Soomaaliya waxay soo martay oo waayo joog unoqotay, colaado,abaaro,macluul iyo amni xumo, marka waxaan fahamsanahay amiyadda ay nabaddu leedahay, Dalka Soomaaliya haatan horumar ayaa ku sii talaabsanaya”,Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu soo hadal qaaday aqabado uu sheeegay in ay ka hor gudban yihiin Dowladda Soomaaliya,taasi oo u baahan in Dowladda laga caawiyo.

“Waxaa jira caqabado ku hor gudban Dowladda oo ah dhaqaale xummo,waa ay adagtahay in laga gudbo aqabadahaasi hadii aan loo heli taageero dhaqaali iyo maalgashi Caalami ah,argagixisada ayaa ah aqabadda ugu weyn ee dalka haysata,sida ururada ISIS iyo Alqaidada loona baahan yahay in wax laga qabto”,ayuu intaasi ku daray Raiisul Wasarae Khayre.

Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ku aadan dhismaha ciidan Qaran balse aqabadda jirta ay tahay xayiraadda Hubka ah ee saaran Soomaaliya,taasi oo uu ka dalbaday Caalamka in Soomaaliya laga qaado cuno qabatayntaasi, si loogu guuleysto xasilinta Dalka,isagoo Amisom uga mahad naqay guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dowladda Federaa;lka Soomaaliya ayuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre in ay fursada siisay dhalinyarada  iyo haweenka in ay ka qeyb qaataan hanaanka Dowlad nimo iyo hogaaminta dalka,isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Alla ha unaxriistee Wasiir Cabaasi C/llaahi SHeekh Siraaji oo ahaa Wasiir dhalinyaro ahaa,taasi oo uu ku sheegay in ay muujinayso in Dowladdu ay ka qeyb gelinayso dhalinyarada iyo haweenka dhismaha Dowladnimada.

Abaaraha soo noqnoqday iyo waxbarasho la’aanta ayuu ku sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dhibaatooyinka dalka kajira kuwaasi oo dad badan ku qasbay in dalka ay ka cararaan,raiisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay in baahiyo weyn loo qabo taageeroo dhin kasta leh in QM iyo Beesha Caalamka ay ka hesho Soomaaliya.

 

Previous Post

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka QM …Akhriso

Next Post

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

Next Post
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In