Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka saaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaarah Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga ahdlay dhinacyada, ammaanka,siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Shabaab,arrimaha bani’aadanimada,isagoo taageero dheeraad ah ka dalbaday Caalamka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah,si Dowladdu ay uga guulesato dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada oo khatar ku ah horumarka Dalka.

“Soomaaliya waxay soo martay oo waayo joog unoqotay, colaado,abaaro,macluul iyo amni xumo, marka waxaan fahamsanahay amiyadda ay nabaddu leedahay, Dalka Soomaaliya haatan horumar ayaa ku sii talaabsanaya”,Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu soo hadal qaaday aqabado uu sheeegay in ay ka hor gudban yihiin Dowladda Soomaaliya,taasi oo u baahan in Dowladda laga caawiyo.

“Waxaa jira caqabado ku hor gudban Dowladda oo ah dhaqaale xummo,waa ay adagtahay in laga gudbo aqabadahaasi hadii aan loo heli taageero dhaqaali iyo maalgashi Caalami ah,argagixisada ayaa ah aqabadda ugu weyn ee dalka haysata,sida ururada ISIS iyo Alqaidada loona baahan yahay in wax laga qabto”,ayuu intaasi ku daray Raiisul Wasarae Khayre.

Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ku aadan dhismaha ciidan Qaran balse aqabadda jirta ay tahay xayiraadda Hubka ah ee saaran Soomaaliya,taasi oo uu ka dalbaday Caalamka in Soomaaliya laga qaado cuno qabatayntaasi, si loogu guuleysto xasilinta Dalka,isagoo Amisom uga mahad naqay guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dowladda Federaa;lka Soomaaliya ayuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre in ay fursada siisay dhalinyarada  iyo haweenka in ay ka qeyb qaataan hanaanka Dowlad nimo iyo hogaaminta dalka,isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Alla ha unaxriistee Wasiir Cabaasi C/llaahi SHeekh Siraaji oo ahaa Wasiir dhalinyaro ahaa,taasi oo uu ku sheegay in ay muujinayso in Dowladdu ay ka qeyb gelinayso dhalinyarada iyo haweenka dhismaha Dowladnimada.

Abaaraha soo noqnoqday iyo waxbarasho la’aanta ayuu ku sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dhibaatooyinka dalka kajira kuwaasi oo dad badan ku qasbay in dalka ay ka cararaan,raiisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay in baahiyo weyn loo qabo taageeroo dhin kasta leh in QM iyo Beesha Caalamka ay ka hesho Soomaaliya.

 

Previous Post

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka QM …Akhriso

Next Post

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

Next Post
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga(Sawiro).

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In