Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweyne Waare, Madaxa fulinta Galmudug Sheekh Shaakir iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay Nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jirta deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha Nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug, waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo Nabad waarta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynta colaadda dhex martay dadka walalaha ah, si loo xoojiyo wadajirka bulshada loogana baaqsado dhiig dambe oo daata.

 

Previous Post

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusamareeb

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In