Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweyne Waare, Madaxa fulinta Galmudug Sheekh Shaakir iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay Nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jirta deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha Nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug, waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo Nabad waarta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynta colaadda dhex martay dadka walalaha ah, si loo xoojiyo wadajirka bulshada loogana baaqsado dhiig dambe oo daata.

Previous Post

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusamareeb

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusamareeb

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In