Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlay amniga iyo xoreynta Dalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiiro u magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Argagaxisada iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay  loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dedaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah.

Wuxuuna  Ra’iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga xoreeyo Argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran.

Previous Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ku baaqay in la qoro Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Next Post
Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta  koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In