Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlay amniga iyo xoreynta Dalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiiro u magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Argagaxisada iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay  loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dedaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah.

Wuxuuna  Ra’iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga xoreeyo Argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran.

Previous Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ku baaqay in la qoro Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Next Post
Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta  koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Hey’adda lacagta aduunka oo sheegtay inay Soomaaliya ka gudubtay qeybta koowad wajigiisa afaraad ee Barnaamijka dayn cafinta

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In