Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 24, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, oo ka qeyb galay Xafladda dhameestirka soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya, ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah.

Munaasabadda oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Guddiga labada aqal ee Gaaadiidka iyo Duulista hawada, gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo masuulyiin kale, iyada oo dhamaan masuuliyiintii ka hadashay ay ku ammaaneen xukuumadda sida ay dadaalka ballaaran ay u gelisay soo wareejinta hawada Soomaaliya oo ganacta dawladda ka maqneed waqti dheer.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Next Post

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee G/Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee G/Banaadir “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee G/Banaadir "SAWIRRO"

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In